Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii  iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid ka fog naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummaddaha Islaamka, isla markaana muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ummadda Soomaaliyeed iyo dowladuba ay diyaar u yihiin sidii dalka looga saari lahaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this