Deeq A. Posted December 19, 2020 Mandhera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ka wada xuduudda Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari la wadaagto Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Kenya ayaa Jimcihii waxay is bedel ku sameysay Ciidamadii Booliska ee xuduudda ilaalin jiray, iyadoona ku bedeshay kuwo militari oo aad u qalabeysan. Ciidamada ayaa la sheegay inay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda goobta iyo qoriga ridada dheer ee Altalariga, sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo. Halka loo yaqaano saddex geesoodka ee saddexda dal (Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya) kulmisa ayay Kenya soo dhoobtay kun iyo shan boqol oo askari, kuwaa oo sida la sheegay u badan askar militari ah, oo ka soo jeeda Gobolka Soomaalida Kenya degto ee NFD. Sidoo kale maleeshiyaad taabacsan Maamulka Jubbaland oo laga kala keenay deegaanada Buurgaabo, Kudhaa iyo Raaskambooni ayaa xalay soo gaaray xadka, iyagoo markaasi taabacsan Kenya. Maleeshiyadan waxaa horkacaya Sarkaal lagu magacaabo Fanax, si dhowna loola xiriiriyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Ciidan uu hoggaaminayo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo ka soo ruqaansaday dhanka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sidoo kale soo gaaray xuduudda, iyagoona ku sugan qaybta Kenya. Dhanka Soomalaiya waxaa xuduudda Degmada Beled Xaawo ku sugan Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaa oo tiradooda lagu sheego dhawr kun oo askari. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa waxay ku soo aadayan, xilli maalmihii la soo dhaafay ay xiisad ku soo korortay xuduudda labada dal, iyadoo ay dadka deegaankuna ka baqdin qabaan in lagu dul dagaalamo. Tani ayaa waxay imaaneysaa, iyadoo Isniintii ay Soomaaliya xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Dowladda Kenya, ka dib markii ay ku eedeysay in faragelin qaawan ay dalkeeda ku hayso. The post Kenya oo ciidan badan soo dhoobtay xuduuda Somalia first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites