Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: XF oo lacag badan ku bixineyso dayactirka Laamiga Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeeray dayactir ay bulshada reer Cadaado ku samaynayaan wadada lamiga ah ee magaalada dhex marta, waxaana uu Ra’iisal wasaaruhu xusay in xukuumaddu ay taageerayso mashruucaasi isxilqaanka ku bilowday.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu dhismaha wadadan laamiga ah oo gaaraysa inta la qorsheyey in la dhiso ilaa 3-km ay ku bixinayso lacag gaaraysa 200 oo kun oo Doller, si sare loogu qaado bilicda magaaalada iyo hab nololeedka dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bulshada Cadaado ku bogaadiyey inay isxilqaameen ayna bilaabeen dhismaha wadada iyagoo maalkooda ku tashanaya, taageerada xukuumadduna ay ku timid dadaalka ay bilaabeen.

Tan iyo horraantii sanadkan waxaa socday mashruuc ay bulshada Cadaado dib ugu dayactirayaan wadada Laamiga ah ee dhex marta magaalada, taas oo halbowle u ah dhaqdhaqaaqa gaadiidka gobollada dhexe ee dalka.

131682452_3690686050983203_2939934325014 131929090_3690686427649832_3672948041491 131929833_3690686057649869_9212360110853 131934599_3690686454316496_7657314599988

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this