Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu Jabuuti kaga qeyb galaya shir madaxeedka IGAD, oo looga hadlayo xaalada gobolka Tigray ee Itoobiya.

Sidoo kale shirkaas waxaa looga hadli doonaa ashtako ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee wadanka Jabuuti ayaa imaanaya, iyada oo weli muran uu ka taagan yahay doorashada 2020/2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this