Deeq A. Posted December 18, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Barlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Waxa si weyn ugu soo dhaweyay wafdiga uu hogaaminayo Mursal garoonka Baydhabo, madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, labada gole ee maamulkaas iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada. Mursal ayaa waxa safarkiisa ku wehlinaya xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka, isla markaana ay tahay deegaan dootashadoodu magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mursal iyo xubnaha kale ayaa ka qeyb gali doona munaasibad ka dhaceysa magaalada Baydhabo, taasi oo ah sanad guuradii labaad ee madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku aadan maalinta barri ah. Sidoo kale waxa la filayaa in xildhibaanada uu horkacayo guddoomiye Mursal ay olole ka bilaaban deegaanadaas, maadama ay muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedkooda dib u doorasho. Safarkan ayaa imanaya xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay doorashada soo socota, taasi oo ay ku muransan yihiin hanaankeeda madaxda dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaridka. The post Sawirro: Waa maxay ujeedka safarka Mursal ee Baydhaba? first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites