Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay arrin laga faafiyey oo la xiriirta guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa bayaan kulul kasoo saaray war uu ku sheegay been abuur oo uu baahiyay telefishanka dowladda federaalka ee SNTV, midkaasi oo la xiriiray guddiyada doorashada lagu muransan-yahay.

Taliska ayaa beeniyay in kulan isbaraasho ah oo looga hadlayay Ammaanka doorashooyinka ay la qaateen guddiga doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, kaasi oo ay sheegen in laga baahiyay SNTV oo ay maamusho Wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay inay tahay nasiib darro weyn arrinta uu ku kacay telefishanka qaranka, taasi oo qeyb ka ah been abuurka siyaasadeed ee xukuumadda Farmaajo ay ku eedeynayeen mucaaridka. 

“Xaqiiqdii waa nasiib daro weyn in loo isticmaalo telefishinkii dowladda Soomaaliyeed faafinta warar been ah oo siyaasadeed, taasna waxaan shaki ku jirin inay dhaxalsiinayso kalsooni ka bax iyo hoos u dhac sumcadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka booliska Puntland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “SNTV wuxuu baahiyay sawiro uusan ka dhex muuqan Taliye Cabdi Yare balse lagu been abuurtay magaciisa kadib markii lagu soo darey qoraalka lagu baahiyay bogga telefishinka.”

Arrinta ayaa markale dab kusii qabaneysa xiisada ka dhex aloosan madaxda dowladda iyo maamulka Puntland oo meel adag iska taagay guddiyada lagu muransan-yahay ee dowladdu gadaal ka riixeyso.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa arrintan xili ay dowladda federaalka Soomaaliya u raadineyso taageero meeqaam sarre leh guddiyada lagu muransan-yahay, hase yeeshe ay mucaaridku ka digeen in dhinaca la saaro guddi aan dhex-dhexaad aheyn.

The post Puntland oo beenisay arrin laga faafiyey oo la xiriirta guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this