Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay goob lagu soo dhaweynayay R/W Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee qeybta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay irida hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, xili lagu soo dhaweynayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaanada Galmudug. 

Qarax oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn nooca uu ahaa ayaa haddana waxa soo baxaya warar sheegaya inuu ahaa mid uu isku soo xiray naftii halige, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Garoonka uu afaafkiisa hore ka dhacay qaraxa ayaa waxa lagu waday in lagu soo dhaweeyo Ra’iisal wasaare Rooble oo saacadihii u dambeeyay ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo. Rooble kuma sugneyn goobta markii uu qarax dhacay.

Waxa kacsan xaalka magaalada, waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaas xoogan oo ka dhaceysa goobta qaraxa uu ka dhacay oo ay ku sugnaayeen dadweyne ka qeyb qaadanayey soo dhaweynta Rooble.

Faah-faahin dheeriya goordhow naga filo oo isha ku hay Caasimada Online.

The post DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay goob lagu soo dhaweynayay R/W Rooble first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this