Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuleed oo baaq deg-deg ah kasoo saaray qaraxa Gaalkacyo, sheegayna arrin loo xaqiijiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

aalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxii xooganaa ee saacad ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Cabdikariin Guuleed ayaa ugu horeyntii si kulul u cambaareeyay weerarka bahalnimada ah, isagoona sheegay in khasaaro badan uu ka dhashay qaraxaasi oo ay ku naf waayeen dad badan oo isugu jira dadweyne iyo mas’uuliyiin.

Waxa uu ilaahay uga baryay inuu shaafiyo dadkii ku dhaawacmay, halka kuwa ku naf waayey qaraxaas ilaahay uga dalbay inuu ku galado naxariistiisa.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Gaalkacyo oo wajahaya xaalada adag, isagoona sheegay in feejignaan dheeriya la muujiyo xiligan uu dalku marayo marxalada cakiran.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdikariin oo dhameystiran

Waxaan si adag u cambaareynaya weerarka ismiidaaminta ah ee goordhow ka dhacay magaaladda Gaalkacyo. Xiriiro aan la sameeyay magaaladda waxaan ku xaqiijiyay in khasaaruhu badanyahay. 

Allaha u naxariisto walaallihii qiimaha badnaa ee ku dhintay weerarkaas bahalnimada ah, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo.

Waxaan ku baaqaya in gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Gaalkacyo oo ku sugan xaalad adag, sidoo kalana waa in dhexdoodu isu gurmadaan. Waxaan kaloo bulshada ugu baaqaya foojignaan dheeri ah maadaama dhagarta cadowgu ay badantahay xilliyadan oo kale.

Amniga dalku waa baahi weyn, oo u baahan shaqo badan, aragti togan, iskaashi iyo in mudnaan la siiyo, si loo helo xasilooni waarta oo damaanad qaadi karta badbaadada muwaadiniinta.

The post Guuleed oo baaq deg-deg ah kasoo saaray qaraxa Gaalkacyo, sheegayna arrin loo xaqiijiyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this