Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/wasaaraha XF oo casho sharaf loogu sameeyey Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Cadaado uga qeyb  galay casho Sharaf loo sameeyay oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.Madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa Ra’iisul Wasaaraha  iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay munaasabadda iyo guud ahaan Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka iyo shacabka Galmudug guud ahaan, gaar ahaanna reer Cadaado uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo casho sharafta, isagoo ballan qaaday in xukuumaddu wax ka qabaneyso codsiyada reer Cadaado ee ku aaddan dhinacyada horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ayaa casho sharafta ka dib kulammo la yeeshay dhallinyaro iyo waxgarad ka socday Gallinsoor oo u yimid soo dhaweyntiisa iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka. Waxa uu dhammaantood uga mahadceliyay soo dhaweynta, waxa uuna kula dardaarmay inay joogteeyaan kaalintooda dhismaha dowladnimada iyo nabadda Galmudug.

vlcsnap-2020-12-18-08h46m25s658.pngvlcsnap-2020-12-18-08h46m30s525.pngvlcsnap-2020-12-18-08h46m36s162.pngvlcsnap-2020-12-18-08h46m46s704.pngvlcsnap-2020-12-18-08h46m51s233.pngvlcsnap-2020-12-18-08h46m55s912.pngvlcsnap-2020-12-18-08h47m02s117.pngvlcsnap-2020-12-18-08h47m05s507.pngvlcsnap-2020-12-18-08h47m08s661.pngvlcsnap-2020-12-18-08h47m12s883.png

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this