Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya iyo UNHCR oo ka wada-hadlay Qaxootiga Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi ka socda hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNHCR, ayaa gaaray magaalada Adisababa, si ay dowladda itoobiya ugu booriyaan badbaadinta dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ku sugan xeryaha ku yaala gobalka Tigray ee dagaaladu ka jiraan.

Wasiiru dowlaha Nabadda Itoobiya Frealem Shibabaw, oo wefdiga qaabishay ayaa sheegtay in Itoobiya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta badqabka qaxootiga islamarkaana la qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin kuwo xeryaha qaxootiga ku jira mudadii uu socday howlgalka Gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Waxay tilmaantay in dadkii xeryaha ka cararay cabsi darteed mudadii uu socday dagaalka tigray ay hada ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in itoobiya ay diyaar u tahay soo celinta Qaxootiga Sudan jooga hadii ay iyagu doonaan.

PUNTLAND POST

The post Itoobiya iyo UNHCR oo ka wada-hadlay Qaxootiga Tigray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this