Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Xeraale

Recommended Posts

Deeq A.   
2-18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Cadaado kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay  in uu Odayaasha kala hadlay Nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa.

Odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey xaaladaha deegaanka iyo arrimaha u baahan in Xukuumaddu ay wax kala qabato ee dhinacyada horumarka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Xeraale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this