Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii hore ee Turkiga oo fariin culus u diray Farmaajo kadib ciidankii maanta lagu hareeyey musharaxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa markii u horeysay ka hadlay muranka doorashooyinka oo maalmihii u dambeysay xiisad xoogan ka abuuray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Kamaaludiin Kani oo ka fal-celinaya wadooyinkii ay saaka xireen ciidamada dowladda, iyo ciidamada lagu hareeyey musharaxiinta mucaaradka ayaa ku baaqay in la sameeyo tanaasul, maadama uu sheegay in xiligan Soomaaliya aysan u baahneyn iska hor imaad iyo qalaalase siyaasadeed.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Farmaajo muujin doono biseyl (dabacsanaan) lamid ah tii ay muujiyeen Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud doorashooyinkii 2012 iyo 2016” ayuu ku yiri Kamaludiin qoraal uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Kamaludiin oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Turkiga, ayaa waxa uu hore u soo noqdey Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya xilligii Dowladdii kumeel gaarka aheyd.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ay saaka ciidamo ku daadisay wadooyinka muhiimka ah ee caasimada, taasi oo dadweynaha ku qasabtay inay saacado badan u lugeeyaan goobaha ay rabeen, maadama laga celinayay gawaarida waddooyinkaas .

Sidoo kale waxa uu ku soo aadaya xili mucaaridka walaac badan ka qabaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Farmaajo iyo hanaanka ay dowladda u wado doorashooyinka, midaasi oo keentay in dalka uu yeesho labo guddiyo doorasho oo soo kala magacaabeen xukuumadda iyo mucaaridka.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan qeyb ka aheyd bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen dalalka beesha caalamka, kaasi uga soo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, inkasta oo  uu Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yilmaz uu taageero balaadhan u muujiyey guddigaas.

The post Safiirkii hore ee Turkiga oo fariin culus u diray Farmaajo kadib ciidankii maanta lagu hareeyey musharaxiinta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this