Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii Deegaanka Tigreega Oo La Sheegay in Uu baxsad Ku Joogo Caasimada South Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaa sheegay In Hogaamiyaha Mucaaradka Deegaanka Tigreega Debretsion Gebremichael, Uu Ku Sugan Magaalo Madaxda Dalka Aduunka Ugu Yar ee Koonfurta Sudan Bil Ka Dib Markii Wasiirka Arrimaha Dibada ee Waddankaasi Uu Beeniyay Warkan.

Ethiopia ayaa hore Ugu Eedaysay Sudanta Koonfureed In ay soo Dhaweyn u Sameysay Debretsion Gebremichael.

Saddex Maalmood Ka Hor Booqashadii Madaxweynaha Masar ee Jubba ayuu hogaamiyihii Tigreegu Joogay Magaaladaasi, Waxaana isla Sarkaalkan Sare ee Xukuumada Koonfurta Sudan Uu sheegay Wargeyska Sudan Post in aanu Kulan La qaadanin ee Uu Dib Ugu Laabtay deegaankiisa.

Waxa Uu Iminka waydiisanayaa Magan galyo Xukuumadda Koonfurta Suudaan.

Xidhiidhka Ethiopia iyo South Sudan ayaa xumaan Kara Haddii aanay Jubba Aqbalin dalabka Addis Ababa ay Ku Doonayso In Loo soo Gacan geliyo Hogaamiyaha ay Ugu Baadi Doonka badan tahay ee Debretsion Gebremichael.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this