Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla New York Oo La Soo Taagay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Xubin ka tirsan ururka Alshabaab una dhashay dalka Kenya ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla dalka Maraykanka isagoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu diyaarad uu afduubtay uu ku weeraro dalka Maraykanka.

Cholo Cabdi Cabdullaahi oo 30 sanno jir ah ayaa tababar sida loo duuliyo diyaaradaha ku qaatay dalka Filibiin si uu qaab la mid ah qaabkii loo duqeyay Daaraha Mataanaha 9/11 uu ugu qaado dalka Maraykanka.

Hase yeeshee Cholo Cabdi ayaa dafiray dhammaan dambiyadoo lagu soo oogay, isagoo la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada New York, waxaana la amray in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Cholo Cabdulah ayaa lagu qabtay dalka Filibiin sannadkii 2019 waxana uu haystey waxyaalaha qarxa, qori iyo bam gacmeed sida laga baahiyay CNN, balse salaasadii toddobaakan ayaa loo soo wareejiyay dalka Maraykanka.

Cabdullah ayaa waajahaya eedeymo badan oo la xidhiidha argagaxisanimo haddii lagu helana waxaa uu mudan karaa 20 sanno illaa xabsi daa’in.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ayaa sheegay in Cabdullah uu amarada ka qaadan jirey taliye ka tirsan Alshabaab kaasoo mas’uul ka ahaa weerarkii lagu qaaday hotel ku yaal dalka Kenya sanadkii 2019.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this