Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaal ka socda shacabka Muqdisho oo ‘ku fashilmay inay la kulmaan’ Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cabdiraxmaan Maxamuud Cilmi Dacay oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qaabili diiday qaar kamid ah waxgaradka Muqdisho, si ay ugala hadlaan muranka doorashada iyo xiisada ka taagan Muqdisho.

Nabadoon Dacay ayaa sheegay in ay hore usoo arkeen mucaaradka islamarkaana ay kala hadleen xaaladda dalka, balse ay ku guul dareysteen in ay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo si ay kala hadlaan xaaladda dalka.

“Mucaaradka waan la kulanay laakiin madaxweynaha waan heli weynay muddo dheerna waan raadinay waxaa noo soo baxday in uusan rabin in lala kulmo,” ayuu yiri Nabadoon Dacay oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta madaxweynaha u diiday kulankan. Xubno ka tirsan Villa Somalia oo ka hadlay Caasimada Online ayaa ku gaabsaday “Madaxweynaha ma qaabili karo qof kasta oo kulan soo codsada.”

Magaalada ayaa shalay waxaa ka dhacay dibad-baxyo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka magaalada oo looga soo horjeeday madaxweynaha, halkaasi oo ciidanka ay ku rasaaseeyeen shacabka.

Cabsi weyn ayaa ka jirta Muqdisho waxaana la sheegayaa in ay shacabka wajahayaan xaalad baqdin ah. Ma jirto wax dadaal ah oo socda kuna saabsan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha ka taagan dalka ee ka dhashay doorashada Soomaaliya.

The post Odayaal ka socda shacabka Muqdisho oo 'ku fashilmay inay la kulmaan' Farmaajo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this