Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Shiinaha Oo Doonaya Inuu Soomaaliya Kusoo Daro Mashruuca BRI, Kadib Xidhiidh Diblomaasiyadeed Taiwan Iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-China)-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinpiing ayaa Isniintii sheegay inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala shaqeyeo xoojinta wada-shaqeynta labada dal.

Xi Jinping ayaa hadalkan sheegay ayada oo labada madaxweyne ay is-dhaafsadeen farriimo isu hambalyeyn ah oo lagu maamusayo sanad-guuradii 60-aad ee ksoo wareegtay markii labada dal ay sameysteen xidhiidh diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Xi ayaa sheegay inuu doonayo inuu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii ay qeyb uga noqon lahayd barnaamijka dhaqaale ee Belt and Road Initiative (BRI) ee isku xidhaya Shiinaha iyo 70 dal oo kale, si ay uga faa’iideystaan labada dal.

Hadalka Madaxweyne Xi ayaa imanaya iyada oo labada dal ay dhowaanahan isu muujiyeen garab istaag kadib markii dalalka Taiwan iyo Somaliland ay sameysteen xidhiidh diblomaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa labaduba markaas kadib soo saaray qoraallo xooggan cambaareeyeen tallaabooyinka Somaliland iyo Taiwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this