Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo Caawa Narobi kula kulmay Siyaasiga Raila Odinga+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse Biixi oo Caawa Narobi kula kulmay Siyaasiga Raila Odinga+Sawirro

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa hotelka uu ka degan yahay magaalada Nairobi kula kulmay Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya, ahna Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Mudane Raila Odinga.

Booqashadan oo aheyd mid salaan ah ayaa Maaxweyne Muuse Biixi waxaa uu Raila Odinga faahfaahin ka siiyey xaalada guud ee Somaliland.Waxaa kulankan goob joog ka ahaa Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Biixi ee booqashada ku jooga Kenya.

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi, ayaa Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

131274019_3504706816309813_6801257678979131341971_3504706822976479_6886187943228

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this