Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Dhuusamareeb + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Galmudug, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa socdaalka uu ku tegay Dhuusamareeb waxa ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ugu jirto xoojinta xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug ku nool.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-13.jpg 2-10.jpg 3-10.jpg 4-9.jpg 5-6.jpg 6-7.jpg 7-5.jpg 8-5.jpg 9-5.jpg 10-3.jpg 11-3.jpg 12-3.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this