Sign in to follow this  
Deeq A.

GALMUDUG oo warbixin ka soo saartay baaritaanka saraakiishii la laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Waayeel oo kamid ahaa guddigii dhawaan uu madaxweyne Qoor-Qoor u xil saaray baarista dilkii Balanbale loogu geystay Saraakiil ka tirsan xooga dalka, ayaa maanta ka warbixiyey falkaas.

Wasiiirka ayaa sheegay inay weli socdaan howl-gallada lagu baadi-goobayo dableydii fulisay dilkaasi, isagoona xusay inay bilaabeen dejinta xiisadii ka dhalatay dilkaasi oo 9-kii bishan ka dhacay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Waxa kale oo uu xusay inay ka howl-galeen dejinta ehelada saraakiisha la dilay iyo ciidamadii ay ka tirsanaayeen, si looga baaqsado dagaal hor leh oo ka dhalata xiisada dilka saraakiisha.

Cabdi Waayeel ayaa carabka ku adkeeyay inay cadaalada hor keeni doonaan dadkii ka dambeeyay falkaasi, isagoona xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weerarka lagu dilay saraakiisha.

“Waxay ahaayeen Saraakiisha la dilay kuwo u shaqeynayay Qaranka, waxaana ku howlanahay sidii aan cadaalada u horkeeni laheyn dadkii ka dambeeyay dilkooda,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan guddi u magacaabay dilka Saraakiisha, iyagoona kaalin mug leh ka qaadanaya baaritan lagu sameyn doono weerarkaasi oo ka dhacay degmada Balanbal.

Maalintii Arbacadii ee 9-kii bishan ayaa waxa maleeshiyaad hubeysan oo haybtooda la garaneyn ay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ku dileen Lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada xooga, waxaana bilowday tan iyo markii uu dhacay dilkaas howl-galo lagu beegsanayo dadkii ka dambeeyay falkaas.

The post GALMUDUG oo warbixin ka soo saartay baaritaanka saraakiishii la laayey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this