Deeq A. Posted December 14, 2020 Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Afhayeenka Madaxtooyada Kenya Kanze Dena Mararo ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in maanta aqalka madaxtooyada Kenya uu ka dhacay kulan laba geesood ah u dhaxeeyay Uhuru iyo Muuse Biixi, waxayna tilmaantay in intii kulanku socday ay bilaabeen wadahadalo dan u ah Kenya iyo Somaliland. “Madaxweynaha dalka mudane Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku martigaliyay wadahadalo laba geesood ah oo u dhaxeeyay Kenya iyo weftigii Somaliland ee booqashada ku yimid dalka ee uu hogaaminayay Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland. Intii kulanku socday, waxay labada hoggaamiye bilaabeen doodo ku saabsan mowduucyo badan oo dan u ah ee Kenya iyo Somaliland” ayay tiri Kanze Dena Mararo. Spokesperson's OfficeState House, Nairobi 14th December 2020Press Release Bilateral talks between Kenyan and Somaliland delegationsRead more: https://t.co/ipgCjov8Yb pic.twitter.com/m92AweNacW— State House Kenya (@StateHouseKenya) December 14, 2020 Afhayeenka madaxtooyada Kenya ayaa intaas ku dartay in mar kale berri lagu wado in ay kulmaan Uhuru kenyatta iyo Muuse Biixi, si loo dhammeeyo wadahadallada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa shalay qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay waxay madaxweynihii hore Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, magaciisa ku sheegtay Kahin Riyale Kahin. Wadahadalada u bilowday Uhuru kenyatta iyo Muuse Biixi ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel aan wanaagsanayn.Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Kenya, waxayna casumaad saddex berri ah ka heleen madaxweynaha Kenya. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi iyo Uhuru kenyatta oo kulmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites