Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ku gubtay Mudug & khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gaari ay la socdeen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay uu dab xoogan ku qabsaday qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaariga oo ahaa Leyla Calaawi, islamarkaana sidday rakaab ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeday dhanka magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu qabsaday dab, xilli uu marayey deegaanka lagu Sadax Xiglo oo ka tirsan gobalka Mudug.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhamaan ka mid ah rakaabkii la socday gaariga gubtay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu ka dhex-dhashay gaariga, kadib markii uu kulu-laaday matoorka.

Dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ka geeyey isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Inta badan gawaarida isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan oo ugu horreyso burburka jidadka ay maraan baabuurta.

The post Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ku gubtay Mudug & khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this