Deeq A. Posted December 14, 2020 Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saaka oo Isniin ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug. Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa madaxda Galmudug kala hadli doona dhaqaajinta arrimaha doorashada 2020/2021, gaar ahaanna guddiga doorashooyinka heer Federaal, oo muran xooggan ka taaganyahay. Socdaalka Ra’iisul wasaaaraha ayaa ku soo beegmay, kadib markii uu gebi ahaanba fashilmay wada-hadalkii Garoowe uga socda madaxweyne Deni iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo ku saabsanaa xal u helidda muranka doorashada. Waxa xusid mudan, in Ra’iisul wasaaruhu xalay diiday Casha sharaf saagootin ah oo loogu sameeyay madaxtooyada Garoowe, kadibna uu kormeer ugu baxay meherado ku yaalla suuqa Garoowe. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo saaka ku wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites