Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed Oo Booqashadiisii Ugu Horreysay Ku Tagay Caasimadda Tigrey

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay caasimadda gobolka Tigrey ee Mekele tan iyo intii uu amray howgalkii millatari ee ka dhanka ahaa gobolkaasi.

Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan golaha cusub ee loo dhisay in ay gobolkaasi hogaamiyaan.

Dhanka kale waxaa uu raysal wasaaraha Itoobiya kulan la qaatay dhigiisa dalka Sudan Cabdalla Xamdok.

Sarkaal u hadlay xukumadda Sudan ayaa sheegay in Mr Xamduuk uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac ee Itoobiya isku haya.

Balse bayaan uu soo saaray My Abiy laguma xusin in dhexdhexaadin ay jirto.

Mr Abiy ayaa bayaankiisa ku sheegay in wefdiga Sudan ay taageereen tallaabadii millatari ee ay dowladda dhexe ka qaaday gobolka Tigrey ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Dalka Sudan ayaa waxaa u qaxay 50,000 oo ah qaxootiga ka barakacay dagaalka gobolka Tigrey.

Horraantii bishii November ayay ahayd markii duulaan uu amray Raysal wasaare Abiy lagu qaaday gobolka Tigrey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this