Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Fagax iyo wadada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee dgmada Kaaraan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan rideen ciidamada AMISOM ee qaraxa lagula eegtay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas iyo rasaasta ay rideen ciidamada AMISOM.

Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this