Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdi hor dhac u ah ra’isul wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb waxaana la filayaa inuu saakay kasoo ambo baxo magaalada Garoowe oo maalmahaan uu ku sugnaa.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay  ka dhacaan bilawga sanad cusub ee 2021,

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa hore utagay magaalada baydhabo ee uu madaxadweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta-gareen kala hadlay arrimaha doorashooyinka sidoo kale maalmahaan magaalada Garoowe ayuu ujoogay inuu madaxda Puntland kala hadlo sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyin fooda nagu soo haayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this