Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo doorashada darteed u bedeshay taliyeyaashii booliska Galmudug (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ee dowladda dhexe ayaa shalay badalay inta ugu badan taliyaasha ciidanka Booliska Galmudug ee degmooyinka, goballada iyo qeybta guud ee Booliska Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta loo badalay ay tahay arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya, iyadoo ay Villa Somalia ka faa’ideysaneysa qodob k amid ah war-murtiyeedkii ka soo baxay mucaaradka.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalbaday in Booliska Soomaaliya lagu wareejiyo sugida ammaanka doorashada Soomaaliya, islamarkaana aysan ciidanka ilaalinayo ka mid noqon Milateriga iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Galmudug geysay Saraakiil Ciidan oo Booliska ka tirsan, islamarkaana ay ku qabto kalsooni buuxda si ay ugu soo boobaan ama rabitaanka Villa Somalia looga fuliyo Galmudug.

Xil ka qaadista iyo magacaabista saraakiisha Galmudug sababtii keentay wali lama shaacin waxaana jiray su’aalo ay saacadihii ugu dambeeyay is weydiinayaan siyaasiinta Muqdisho.

Xubnaha booliska ee la badalay ayaa lagu warramay inay ahaayeen kuwa aan kalsooni lagu qabin, islamarkaana aan hirgelin karin qorshaha doorashada ee Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey in ay dadaal badan ugu jirto boobka doorashada Soomaaliya si dib loogu doorto Madaxweynaha hadda talada haye ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana jira digniino badan oo arrintaan ku saabsan oo la jeedinayo.

The post DF oo doorashada darteed u bedeshay taliyeyaashii booliska Galmudug (Xog) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this