Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo isagoo Garowe ku sugan cabasho ka gudbiyay Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cabasho xoogan ka gudbiyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii ay fashil kusoo dhamaadeen wada-hadaladii saacadihii u dambeeyay uga socday Garoowe.

Ra’iisal wasaraha ayaa cabashada uu ka qabo madaxweyne Deni u gudbiyay Odayaasha dhaqanka Puntland oo uu magaalada Garoowe kula kulmay, sida ay ilo goobjoog ah u sheegen Caasimada Online.

Rooble ayaa lagu soo waramayaa inuu Salaadiinta iyo Isimada Puntland uga warbixiyey kulamadii ugu dambeeyay ee uu la qaatay Deni iyo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskii doorashada ee magaalada Muqdisho lagu gaaray 17-kii September ee sanadkan 2020-ka.

Sidoo kale waxa uu odayaashada dhaqanka tabasho uga gudbiyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo uu sheegay inay ku dhiman yihiin oo uu ka dhago adeygay magacaabista xubnihii guddiyada doorashooyinka, oo xiligeedii ay ka harsan tahay muddo kooban.

Deni ayaa waxa la sheegaya inuu shuruud uga dhigay magacaabida guddiga doorashooyinka, in marka hore xal rasmi ah laga gaaro arrinta ay isku hayaan dowladda federaalka ee ku aadan Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay

Rooble ayaa ku dooday in dowladda federaalka ay ka go’an tahay inay doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, isla markaana ay qaban doonaan haddii ay qeyb ka noqon waayan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo saluugsan hanaanka ay dowladda u wado arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyntiina waxa uu Isimada iyo Salaadiinta Puntland ka dalbaday inay qaataan doorkooda dhaqameed, iyaga oo dhex-dhexaadinaya madaxweyne Deni, maadama uu fashil kusoo dhamaaday kulamadii uu kula qaatay magaalada Garoowe.

Ra’iisal wasaare ayaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland u tagay si uu u xaliyo khilaafka doorashooyinka, isla markaana uu waan-waan uga dhex sameeyo madaxda qaranka iyo kuwa maamulada dalka, xili ay hore heshiis ugu wada saxiixdeen Muqdisho.

The post Rooble oo isagoo Garowe ku sugan cabasho ka gudbiyay Deni first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this