Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor Oo Kulan La Qaatay Kooxda Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ iyo mas’uuliyeen kale oo ka tirsan  goleyaasha Dowladda Fedraalka,Dowladda Goboleedka Galmudug, Maamulka Caasimadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa kulan dhiiri-gelin ah la qaatay macallimiinta,ciyaartooyda iyo madaxda kooxda kubbadda cagta Galmudug ee ka qeyb galaya tartanka Maamulka Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

10000000_382115096237101_560773721321938

Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug ayaa dib u habeyn balaaran ku sameeyay kooxda kubbadda cagta Galmudug oo labadii jeer ee la qabtay bandhig liita ku soo bandhigtay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadihii 2016,2017,waxaana Maamulka Galmudug oo sanadkan balan qaaday in ay ku guulaysan karaan ciyaaraha Maamul Goboleedyada.

10000000_382115096237101_560773721321938

“Madaxweyne way muuqataa doorkaada,waxaan rajaynayaa in aan sanadkan la imaano is badal iyo in aan ku guulaysano tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020” ayuu munaasabada ka sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan.

10000000_382115096237101_560773721321938

Daawo Dardaarankii Madaxweyne Qoor Qoor ee Kooxda Gamudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this