Sign in to follow this  
Deeq A.

Dastuurka Soomaaliya oo dhacaya iyo Xasan Sheekh oo qoraal xasaasi ah u diray Farmaajo iyo guddoonka BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in dalka uu noqdo dastuur la’aan maadaama dastuurka KMG ah ee iminka shaqeeya uu la dhamaanayo muddo xileedka baarlamaanka 10-aad oo ku eg 27-ka December.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku socday madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka baarlamaanka ayuu ku sheegay khatarta ay arrintan yeelan karto.

Xasan Sheekh ayaa ku taliyey “in labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo dib-u-dhigista ansixinta kama dambeysta ah ee dastuurka KMG oo ay ugu gudbinayaan waajibkaas barlamaanka 11-aad ee 2021 iyo afti dadweyne oo loo qabto dastuurka – iyada oo aan waxba loo dhimeyn qodobka 36-aad, gaar ahaan faqradiisa 2-aad ee dastuurka KMG ah si looga badbaadiyo dalka xaaladda dastuur la’aanta ee ku soo wajahan maalmaha soo socda (ka hor dhamaadka bisha December, 2020) si waafaqsan qodobka 57-aad ee dastuurka KMG ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal kale oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ayuu ku yiri: “Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10-aad. Maadaama duruufaha jira owgood aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo, waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo.”

Haddii dalka dastuur la’aan noqdo waxay horseedi kartaa xaalad halis ah, ayada oo ay istaagi doonaan dhammaan heshiisyada ay Soomaaliya kula jirto caalamka, sidoo kalena uusan jiri doonin sharci kala haga dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka uu Xasan Sheekh u diray Farmaajo, Cabdi Xaashi iyo Mursal

WhatsApp-Image-2020-12-13-at-6.59.14-AM. WhatsApp-Image-2020-12-13-at-6.59.14-AM-

The post Dastuurka Soomaaliya oo dhacaya iyo Xasan Sheekh oo qoraal xasaasi ah u diray Farmaajo iyo guddoonka BF first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this