Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu MW Siciid Deni kala hadlay wasiirada la socda R/wasaare ROOBLE?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya ee la socda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa wasiirada uu la qaatay madaxweyne Deni waxaa ka mid ah Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Kalluumeysiga iyo  Kheyraadka Badda, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) & Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay wasiirada uu la kulmay arrimo kala duwan, gaar ahaan wada-shaqeynta kala dhexeysa maamulkiisa iyo xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale kulamadan ayaa u muuqda kuwo dahaarayo natiijo la’aanta ka soo baxday shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble & Siciid Deni.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, iyada maanta ay markale dib isku arki doonaan wafdiga ra’iisul wasaaraha iyo madaxda Puntland.

Dhinacayadan ayaa isku jaya arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Si kastaba Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin guddiyada doorashooyinka ee maamulladooda, taas oo caqabad ku noqotay jadwalkii hore loo soo saaray.

131259585_1073241406422712_1245754278490 130265819_1073305936416259_5083082606333 131026907_1073283079751878_4634475473258 131142954_1073342906412562_1356352309760

The post Sawirro: Muxuu MW Siciid Deni kala hadlay wasiirada la socda R/wasaare ROOBLE? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this