Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta dowladda hoose ee maamulka Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin askar, halka qofka kalena ay tahay dumar.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayey qaraa uu gudaha xarunta ku jiray duqa Gaalkacyo Cabdiraxmaa Sheekh Xasan, balse waxaa ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah askartiisa oo ku sugnaa banaanka xarunta.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan goobta uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaaladaasi.

The post Deg deg: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this