Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyey magacyada iyo sawirrada raggii weeraray hoteelka DusitD2 ee Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta ururka Al-Shabaab ayaa goor dhow baahisay markii ugu horreysay magacyada iyo muuqaallada raggii weeraray hotelkii DusitD2 ee magaalada Nairobi sanadkii hore ee 2019-kii..

Muqaalka oo la waadan karo mudo 7-daqiiqo ah ayaa lagu soo bandhigayaa qaabkii uu u dhacay weerarkii ay kooxdu ka fulisay dhismayaasha uu ka koobnaa Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Weerarkaas waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxayna xilligaas dowladda Kenya shaacisay in 21-qof lagu dilay, in ka badana lagu dhaawacay.

Waxaa muuqaalkan ka soo muuqanaya raggii fuliyay weerarka oo gaaraya illaa shan dagaalame, waxaana muuqaallada qaar laga duubay intii ay isku diyaarinayeen weerarka.

Weerarkaas Al-Shabaab waxay ugu magac dareen “Qudus lama yaqhuudaynayo” iyagoo sheegay inuu jawaab u yahay qorshihii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ee dhulka reer Falastiin uu ugu aqoonsaday dhul uu leeyahay maamulka Yahuudda ee Israa’iil.

Shanta qof ee Al-Shabaab ay sheegeen inay fuliyeen weerarka ayaa magacyadooda iyo sawirradooda lagu sheegay, sawirka hoose ee shanta qof ka muuqato ka billow bidix: Ali Salim Gichunge Abu Sakeena, Osman Ahmed Hassan Azzam, Mahir Khalid Riziki Jibril/Simba, Muhammad Adan Nur Farhan Yare iyo Abdulqani Arab Yusuf Farhan Dheere.
ragga1.jpeg ragga2.jpeg ragga4.jpeg ragga15.jpeg ragga11.jpeg ragga9.jpeg ragga6.jpeg ragga5.jpeg ragga7.jpeg ragga3.jpeg

The post Al-Shabaab oo shaaciyey magacyada iyo sawirrada raggii weeraray hoteelka DusitD2 ee Nairobi first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this