Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Xildhibaanadii xasaanadda laga qaaday oo hortagay maxkamad

Recommended Posts

Deeq A.   
xasaanad.jpg?resize=1000%2C500&ssl=1

Maxkmadda Sare ee Puntland ayaa maanta markii labaad dhageysatay cadwada loo heytso 8 xildhibaan oo dhawaan baarlamaanka Puntland ka qaaday xasaanadda.

Qaryqaan guud ee Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa 8 mudane ku eedeyay burburin hanti iyo dastuur jabin, alse qareenada u doodayay xildhibaanada ayaa sharci darro ku tilmaamay eedeynta garyaaqaanka, waxayna sheegeen in kiis ku bilowday faldambiyeed ciqaab ah aan loo rogi karin idaari.

Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday ayaa sheegay in ay horey u codsadeen in kiiskooda uusan gelin guddoomiyaha maxkmadda sare, maadaama ay wadeen qorshe ka dhanka maxkamadda sare iyo in ay qaraabo yihiin guddoomiye xigeen kowaad ee baarlamaanka oo ay is hayeen, sida ay sheegeen.

Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabaysay dhaqeysiga kiiskan, iyadoo qareenada u doodaya 8-da xildhibaan ay ku gacansayreen.

Maxkamadda waxaa maanta horyimid afar mudane oo kala ah Cabdicasiis Siciid Gacamey, Saleebaan Faarax Ciise, Maxamuud Axmed Caalim iyo Cabdiqani Abshir Jaaamc.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maalmaaha soo socda ku dhawaaqi doonta xukunka kiiska loo haysto 8 mudane ee xasaanadda laga qaaday.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Xildhibaanadii xasaanadda laga qaaday oo hortagay maxkamad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this