Deeq A. Posted December 12, 2020 Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa baahiyey muuqaalka duqeyn ay 10-kii December ee sanadkjan 2020-ka ku fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Duqeynta oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxa ay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay 8 xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan, una qaabilsan qeybta qaraxyada, halka lagu dhaawacay labo kale, sida ay hadalka u dhigtay. Muuqaalka la baahiyey ayaa waxaa sidoo kale la arkayey bur-bur xoogan oo gaaray goobta la bartilmaameedsaday oo sidoo kale uu qabsaday olol meel dheer ah. Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites