Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rooble oo gaaray Garoowe, shaaciyeyna 3 arrin oo uu kala hadlayo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Rooble ayaa waxaa  soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xildhibaano, wasiiro, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada Puntland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka, islamarkaana Punyland iyo maamullada uu kala hadlayo saddex arrin oo kale ah:-

1 – Wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
2 – Arrimaha doorashooyinka dalka oo muran xooggan uu ka taagan yahay.
3 – Iyo amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Puntland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saaraysa adkeynta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobolleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaraha ayaa sidoo kale booqan doona dowlad-goboleedka Galmudug oo uu kula kulmi doono madaxda iyo bulshada.130752313_2870733069824475_1921026468206 131120281_2870733073157808_7393228946305 131288003_2870733166491132_3821618955350 131234975_2870733386491110_4484317374689 131184980_2870733193157796_8939430446167 131068923_2870733316491117_3058804152941 131087021_2870733419824440_1195661954222 131319883_2870733413157774_6938147667098 Rooble-iyo-Deni.jpg 131210291_2870733136491135_9000473362556

The post Sawirro: Rooble oo gaaray Garoowe, shaaciyeyna 3 arrin oo uu kala hadlayo Puntland first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this