Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hogaaminayo oo galabta gaaray magaalada Garoowe ee Puntland ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay madaxda iyo shacabka Puntland.

Garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaa soo dhoweyn ugu sameeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kala duwan maamulka Puntland ka tirsan.

U jeedada safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa qeyb ka ah dadaalada loogu jiro xoojinta wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa socdaalkan oo kale horey ugu tagay maamulka Koofur Galbeed.

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa kamid ah xubno ka tirsan gollahiisa wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda federaalka ka tirsan.

131052056_1072482973165222_3991400548306 131086946_1072481953165324_6857258198256 131115535_1072480543165465_5987713134190 131115646_1072482863165233_2641736221080 131117892_1072480846498768_6796777462269 131141823_1072481103165409_7721426785994 131168056_1072482776498575_3727218558598 131171649_1072480943165425_3994044622668

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this