Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraal Odowaa oo war ka soo saaray saraakiishii lagu laayey Galgaduud iyo in loo beegsaday aano qabiil

Recommended Posts

Deeq A.   

Balanbal (Caasimadda Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay saraakiishii 9-ka bishaan lagu laalayay degmada Balanbal ee dhanka waqooyi kaga taalla gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidamada xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka aysan laheyn heyb iyo qabiil gaar ah, balse falalkaan ay yahiin falal argagixiso, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ciidamada ay gudan doonaan waajibaadkooda saxda ah ee arintaan ku aadan.

Gen. Odawaa wuxuu sheegay inaan sinaba looga hari doonin wixii dhacay, islamarkaana saraakiisha ciidanka ay ku raad joogaan dadkii falka geystay si loo horkeeno maxkamadda sharciga u leh in lagu ciqaabo dadka geystay falalka nuucaan ah.

“Ciidanka xoogga dalka waxey wadaan hawlgal looga daba-tagaayo laguna baacsanaayo nimankaas sarwadayaasha ah ee dhibaatada u geystay saraakiisha, meelna loogama haraayo, ciidanku waxey heystaan waajibaad qayaxan, waxaana sharciga ku horkeeni doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, ciidanka waxey ku dhaarteen wax u qabashada dadka iyo dalka,” ayuu yiri Gen. Odawaa Yuusuf Raage.

Dhanka kale taliyaha wuxuu meesha ka saaray in aano qabiil loo beegsaday saraakiisha, wuxuuna sugay in ciidanka aysan laheyn heyb iyo qabiil gaar ah, balse arrimahaan oo kale ay yahiin falal argagixiso oo u baahan in gacan adag looga hortago.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ma ahan qoys, mana ahan Qabiil ama heyb gooni ah, falkaas waa mid ka mid ah falalka ay argagixisada ku daadin jireen shacabka,” ayuu mar kale yiri.

Inkastoo xukuumadda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug ay bixiyeen amar ku saabsan in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay falka lagu laayay saraakiisha, hadana Gen. Odawaa wuxuu shacabka ka dalbaday iney kala shaqeeyaan soo qabashada dambiilayaasha.

The post Jeneraal Odowaa oo war ka soo saaray saraakiishii lagu laayey Galgaduud iyo in loo beegsaday aano qabiil first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this