Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in Al-Shabaab ay afduub ka geysatay G/ Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab afduub ka geysteen gobolkaasi, kadib markii ay gudaha u galeen deegaanka Milxo.

Puntland oo war ka soo saartay afduubkaasi ayaa sheegtay in loo geystay illaa saddex nin oo macdan qodayaal ah oo ku sugnaa duleedka degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale taliska Booliiska maamulkaasi ayaa haatan wada howlgallo lagu soo badbaadinayo raggaasi.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii la soo dhaafay isku ballaarineysay gobolka Sanaag, iyada oo haatan dagaalyahanadeeda ay ku sugan yihiin buuraha caanaka ah ee Calmadow oo ku yaalla gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this