Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn lala begsaday warshad ay qaraxyada ku diyaariyaan Al-Shabaab + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Ciidamada Kumandooska xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya taliska ciidamada mareykanka ee qaaradda Africa ayaa duqeyn dhanka cirka ah u geystay warshad ay Al-Shabaab ku farsameyaan qaraxyada.

Warbixino hordhac ah oo weerarka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in 10 ka tirsan dagaalyahanada lagu dilay xaruntaas oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

War kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu faah-faahiyay xarunta la beegsaday waxa ay aheyd, waxeyna sheegeen in lagu farsameyn jiray qaraxyada ismiidaaminta ah ee shacabka lagu dhibaateeyo.

Bayaanka waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay iney sii wadaan duqeymahaan iyagoo kaashanaya taliska ciidamada mareykanka si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaalida ee aan waxba galabsan.

Duqeyntaan waxey kusoo aadeysaa xilli la sheegay horaanta sanadka cusub in ciidamada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya jooga la saarayo kadib amar kasoo baxay madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee dalkaas Donald Trump.

The post Duqeyn lala begsaday warshad ay qaraxyada ku diyaariyaan Al-Shabaab + Khasaaraha first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this