Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed: Doorashada ugu ilaalinta adaggi waa midda Xamar ka dhacaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay walaaca ay musharaxiinta mucaaridku ka qabaan in madaxweyne Farmaajo uu sameeyo doorasho boob ah, oo uu ku shubto.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay inaysan marnaba dhaceyn waxay mucaaridku ugu yeeren ‘doorasho boob’, xili ay xukuumadda ka madax adeygayso inay wax ka bedesho guddiyada doorashada ee lagu muransan-yahay, kuwaasi oo ay qaadaceen mucaaridka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada Xamar ay tahay mida ugu ilaalada badan, marka loo eego gobolada kale ee dalka, maadama uu ku doodayo in doorashada ay kor-joogteyn doonaan xubno kamid ah beesha caalamka.

“Madaxweynaha inta uu tago Gedo ama Kismaayo wax boobi maayo, waxa maamulaya dad loo xil-saaray, waxaana jooga goob-joogayaal caalami ah, arrintaas waa mid maskaxiyan ah (sheegashada mucaaridka),” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu intaas kusii daray “Midda ugu ilaalinta badan waa doorashada Xamar ka dhaceysa, waayo nimankii (beesha caalamka) ayaa halkan nala dagan, waxay leeyihiin goob-joogayaal ayaa idin soo direyna”.

Sidoo kale waxa uu ka digay in siyaasiyiinta mucaaridka ay abuuraan dad kicin, isagoona shacabka Soomaaliyeed faray inay ilaashadaan qaranimadooda, isla markaana laga wada-shaqeeyo horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Hadalka Mahdi ayaa imanaya xili ay musharaxiinta mucaaridka walaac xoogan ka qabaan in doorashada soo socota uu ku shubto madaxweyne Farmaajo, oo awooda dowlada u adeegsanaya musharax-nimadiisa, sida ay sheegen mucaaridku.

Soomaaliya ayaa xiligan leh labo guddi doorasho, kuwaasi oo ay kala magacaabeen mucaaridka iyo madaxda sarre ee dowladda, kadib markii ay labada dhinac isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka oo xaalada cakiran ka abuurtay gudaha dalka.

The post Mahdi Guuleed: Doorashada ugu ilaalinta adaggi waa midda Xamar ka dhacaysa first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this