Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo fasax dheer gelaya Xilli Xiisad Colaadeed ka dhex aloosan tahay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo fasax dheer qaatay Xilli Xiisad Colaadeed ka dhex aloosan tahay Somalia

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa gali doona fasax hal bil ah oo uu uga nasan doono howlaha dowladda islamarka lasoo gabagabeeyo xuska munaasabadda maalinta xorriyadda, oo ku beegan 12-ka bishan December.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa warqad ay u dirtay xafiisyada diblomaasiyadeed ee safaaradaha dalalka dibadda ay ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo hay’adaha caalamiga ah, taasoo ay ugu sheegtay in Mr Kenyatta uu nasiino gali doono.

Waxaa farriintaas lagu sheegay in madaxweynaha uusan ka qeyb gali doonin wax shir ah, kana soo muuqan doonin goobaha fagaareyaasha ah, sidoo kalena uusan ka jawaabi doonin telefoonnada looga soo wacayo sababo la xiriira arrimaha khuseeya maamulka dalka, ilaa inta laga gaarayo 15-ka bisha January ee sanadka soo socda.

Warqadda kasoo baxday wasaaradda ayaa u qorneyd sidan:

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya waxay amaan u jeedineysaa dhammaan mas’uuliyiinta howlaha diblomaasiyadeed, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, waxayna qireysaa in sanadka 2020-ka uu ahaa mid lahaa caqabado badan. Cudurka safmarka ah ee Covid-19 wuxuu soo kordhiyay howlo la taaban karo wuxuuna labanlaab ka dhigay shaqooyinkii horay u jiray, oo waliba uu sii adkeeyay.

“Wasaaraddu waxay sidaas darteed ogeysiis ku bixineysaa in kaddib dabaaldagyada maalinta xorriyadda, laga billaabo Talaadada ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka bisha December 2020-ka ilaa Jimcada ay taariikhdu tahay 15-ka bisha January 2021-ka uusan madaxweynaha ka qeyb gali doonin howlaha rasmiga ah iyo kuwa qaranka oo xitaa ay ku jiraan telefoonnada laga soo waco, marka laga reebo waxyaabaha degdegga ah mooyaane.

“Arrimaha degdegga ah waxaa codsiyo loogu gudbin karaa xog hayeyaasha joogtada ah iyo wakiillada gaarka u ah howlaha madaxweynaha.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya waxay fursaddan uga faa’iideysaneysaa inay dhammaan , hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee Nairobi dib ugu xaqiijiso inay siineyso tixgalin heerkii ugu sarreeyay ah”.

Uhuru Kenyatta
Uhuru Kenyatta

Go’aanka uu madaxweyne Uhuru Kenyatta fasaxa ku qaadanayo ayaa kusoo aaday xilli uu mar kale soo labokacleeyay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay qaadday tallaabooyin ay ku muujineysay xiisadda kala dhaxeeya waddanka dariska la ah.

Maalintii Isniinta ayey Soomaaliya ku dhawaaqday in la joojiyay oggolaanshihii dal ku galka ee muwaadiniinta Kenya lagu siinayay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Waxaa go’aankaas loo sababeeyay arrimo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19, laakiin wuxuu cirka kusii shareeray xiisadaha ka dhaxeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Fred Matiangi, oo gavanta ku haya baasaboorka diblomaasiga ah ee Kenya
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Fred Matiangi, oo gavanta ku haya baasaboorka diblomaasiga ah ee Kenya

Dadka u dhashay Kenya ee heysta baasaboorka diblomaasiga ah ayaa ku khasbanaan doona inay warqado fasax ah ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, sida ay dalbatay dowladda Soomaaliya.

Amarkaas wuxuu hirgali doonaa laga billaabo Axadda ay taariikhdu ku beegan tahay 13-ka bishan December, 2020-ka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad u xumaaday kaddib markii uu labada waddan soo kala dhex galay muran salka ku haya xadka badda, kaasoo xalkiisa uu noqon karo in labada dal midkood uu waayo dhul badeed oo istiraatiijiyad weyn leh, kheyraad dabiici ahna uu dhex ceegaago.

Xadka biyaha ee ay isku heystaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku dul fadhiya keyd saliid ah oo aad u baaxad weyn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this