Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxa ka jira in dowladda Kenya ay cadaadis xoogan ku hayso Axmed Madoobe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in dowladda Kenya ay ku hayso cadaadis, kaasi oo uu kaga hor imanayo madaxda dalka, sida dhawaan lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Saraakiil ka tirsan xafiiska Axmed Madoobe oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista ayaa beeniyay eedeyntaasi ay u jeedisay dowladda, iyagoona ku tilmaamay mid aan sal laheyn, isla markaana been abuur cad.

Axmed Madoobe ayaa hore u sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada doorasho dalkan uga dhacda qaabkii lagu heshiiyay, isla markaana ay Jubbaland xaq u leedahay inay maamusho doorashada qeybta ka dhaceysa deegaanadeeda, isagoo xusay in dalka ay astaan u tahay afartii sanaba mar inay doorasho ka dhacdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu dhawaan dhigeeda Kenya ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, midaasi oo ay iska fogeysay xukuumadda Nairobi, xili uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya mucaaridka iyo madaxda dowladda.

Waxa kale oo ay sheegtay Villa Somalia in xukuumadda Nairobi ay cadaadis xoogan ku hayso madaxda maamulada dalka, iyada oo carabaabtay Axmed Madoobe oo ay ku eedeysay inuu cadaadiskaasi uga baxay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu dhinaciisa ku eedeyay dowladda dhexe iney wiiqeyso heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan, wuxuuna sheegay in Jubbaland ay xaq u leedahay in loo madax-banneeyo guddiga doorashada sida lagu qoray heshiiskii ay dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen Muqdisho bartamahii sanadkaan.

Khilaafka maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa markale sii xoogeystay, kaasi oo muddo badan soo jiray, isla markaana meesha ka saaraya in heshiisyadii labada dhinac ay wax isbedel ah ka sameeyen xiriirkii xumaa ee Jubbaland iyo dowladda dhexe.

The post Maxa ka jira in dowladda Kenya ay cadaadis xoogan ku hayso Axmed Madoobe? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this