Sign in to follow this  
Deeq A.

Illaa 11 weriye oo ka soo dhax muuqday siyaasadda mucaaradka iyo muxaafadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriyeyaal badan oo qaarkood ka soo shaqeeyay warbaahinta caalamka iyo kuwa gudaha ayaa sanadkaan noqday kuwa ugu saameynta badan siyaasadda Soomaaliya, waxeyna si weyn uga muuqdaan dhinacyada Mucaaradka iyo Muxaafadka.

Weriyaashaan ayaa qaarkood noqda wasiiro halka kuwa kalane ay ka mid noqdeen baarlamaanada maamul gobaleedyada, guddiyada doorashada ee mucaaradka iyo muxaafadka.

Xasan Xundubeey iyo Cabdiraxamaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, ayaa ka mid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxayna muddo dheer soo ahaayeen weriyaal. Balse maanta waa laba xubnood oo ka mid ah hay’adda fulinta.

Sidoo kale Cabdinoor Maxamed Axamed iyo Maxamed Jaamac Maxamed ayaa ka mid noqday guddiyada doorashada iyagoo la safan dowladda Soomaaliya. Sidoo kale gudigaas waxaa ku jira Garaad Yuusuf Maxamuud oo mar soo noqday weriye, sidoo kalane ka mid ahaa Xildhbaaanadii 1-aad ee Galmudug.

Labada guddi oo ay kala magacaabeen Xukuumada iyo Mucaaradka ayaa hadda waxaa kala hogaamiye laba weriye.

Yuusuf Xasan Mursal, oo horey uga tirsanaa BBC ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga badbaadinta doorashooyinka oo ay dhiseen mucaaradka, halka Maxamed Xasan Maxamed oo ka tirsanaan jiray Radio Ergo (Ex-Irin) loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal ee lagu muransan yahay.

Shadoor Xaaji Shadoor, Cabdiwali Garyare iyo Feysal Hanad oo weriyaal aad looga yaqaano gudaha dlaka ayaa kamid xubnaha ka soo muuqday dhinaca mucaaradka.

Maxamed Xasan Qeys iyo Cumar Soomane ayaa sidoo kale ka soo muuqday baarlamaanada HirShabeelle iyo koonfur Galbeed inkastoo aysan saameyn weyn ku laheyn siyaasadda guud ee dalka iyo tab maamuladooda.

Weriyaasha magaalada Muqdisho iyo kuwa kale ee ka yimid ayaa u muuqda kuwa si wayn usii dhaxgalay siyaasadda Soomaaliya inkastoo markii horaba saxaafaddu ay saameen ballaaran ku leedahay siyaasadda dalka iyo tan dibadda.

The post Illaa 11 weriye oo ka soo dhax muuqday siyaasadda mucaaradka iyo muxaafadka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this