Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Saciid Deni oo hanjabaad culus diray xilli ay taagan tahay xiisad

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa maanta kulan isugu yeeray ganacsatada deegaanada Puntland, waxuuna ugu hanjabay in maamulkiisu uu tallaabo adag ka qaadi doono hadii aysan dib u furin goobahooda ganacsiga, xilli sicir barar baahsan uu ka jiro Puntland.

Waxa uu sheegay in ganacsatada waaweyn ay sabab u yihiin sicir bararka la degay Puntland, isagoo faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aannada ay kasoo saartay xukuumadiisu.

“Waxaan fariin halkaan uga dirayaa ganacsatada ay bakhaaradoodu xiranyihiin, hadeysan galabta furin, wixii ka yimaada iyagaa mas’uuliyadooda qaadi doona, waxa ay ula jeedaan anigu waan garanayaa oo dadkii ay beenta u akhri jireen maahi, marka waxaan kula talinayaa amarrada dowladda kuwa ugu horeeya oo fuliya inay iyaga noqdaan,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlaayey ayuu madaxweynaha Puntland yiri, “Waxaan rajeynayaa in shilinkeenu uu meel walba ka dhaqan galo in Cadayga lagu gato, Shaaha lagu cabo, basaska lagu raaco, oo wax kasta lagu qabsado, waxan dowladaha hoose oo dhan farayaa cidii isticmaali weysa in tallaabo laga qaado, cid kasta oo shilin Soomaaliga diida waa dembi.”

“Laga billaabo berri Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu sarifo dollarka, si dadka Shillin Soomaaliga haysta uu dollarku u gaaro, kuwa dollarka watana ay Shilin Soomaali u bedelo” ayuu yiri Saciid Deni.

“Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku shaqo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda u horeeyaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

The post Madaxweyne Saciid Deni oo hanjabaad culus diray xilli ay taagan tahay xiisad first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this