Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo laga dalbaday magta dadkii uu ku dilay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ay soo saartay kaga hadashay qorshaha uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxayo gudaha Soomaaliya.

Amnesty International ayaa sheegtay in Mareykanka laga doonayo, ka hor inta uusan la bixin ciidamadiisa inuu bixiyo magdhowga dadkii uu ku dilay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay inay jiraan qoysas badan oo dhibanayaal u ah ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay duqeymahooda

Mareykanka oo Soomaaliya ay ku joogaan ku dhowaad 700 oo askari ayaa hadda qorsheynaya in bartamaha Janaayo ee sanadka ee 2021-ka uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, kuwaas oo horey loogu eedeeyey inay waxyeeleeyeen dad shacab ahaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this