Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo doortay guddoon cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ay maanta yeesheen xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa waxa ay ku doorteen guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xog-heyn.

Xilka guddoomiyaha gudiga ayaa waxaa isku soo taagay, Cali Maxamed Faarax (Seeko) iyo Cabdullahi Abyan Nuur, balse codeynta ka hor ayaa waxaa tanaasulay Cali Seeko.

Intaasi kadib ayaa waxaa cod gacan taag ah loo qaaday musharrax Cabdullaahi Abyan Nuur oo si aqlabiyad leh ugu guuleystay xilkaasi, wuxuuna helay 16 ka mid ah codadka 17-ka xubnood ee doorashada ka qeyb qaadaneysay, halka uu ka aamusay hal qof.

Sidoo kale guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa doortay guddoomiye ku xigeen waxaana isku soo taagay xilkaasi Axmed Siciid Samatar (Shoodhe) iyo Maxamed Ibraahim Barre, balse codeynta ka hor ayaa waxaa isna tanaasulay Mudane Axmed Shoodhe, waxaana sidaas guddoomiye ku xigeen ku noqday Barre oo helay 17 cod.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa sidoo kale xog-heyn u doortay Farxiyo Xasan Cismaan, kadib markii ay heshay 13- cod halka ay ka aamuseen afar xubnood.

Ugu dambeyn mas’uuliyiinta la doortay ayaa u mahadceliyey xubnaha guddiga khilaafaadka, iyagoo ballan qaaday in ay dardar-gelin doonaan howlaha horyaalla.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this