Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali ah oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ganacsade Soomaali ah lagu dilay gudaha dalkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxo burcada ah ay marxuumka ku dishay goobtiisa ganacsi oo ku taalla deegaanka Danoon oo 21 KM u jira magaalada Cape Town.

Kooxda dilka geysatay oo aheyd burcad Koonfur Afrikan ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale ay dhac u geyteen dukaanka marxuumka, iyagoo ka qaatay lacag iyo agabyo kale.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey weerarada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi Koonfur Afrika.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this