Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump oo Gobolka Georgia ka bilaabay olole doorasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha aan weli xilka wareejin ee Mareykanka Doland Trump, ayaa Sabtidii booqday Gobolka Georgia, si uu ugu ololeeyo laba Senator oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah, kuwaas kuraas laba ah kula tartamaya xisbiga Dimoqoraadiga.

Senator David Perdue, oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa u baahan in uu doorashada Gobolka Georgia kaga adkaado Jhon Ossoff oo ka tirsan xisbiga Dimoqoraadiga, halka Senator Kelly Loeffler ay tahay isna in uu ku adkaado Raphael Warnock.

Doorashadaas ayaa oo go’aamin doonta, xisbiga heli doona aqlabiyadda ee maamuli doona Golaha Aqalka Sare ee Maraykanka, billowga muddo xileedka Joe Biden.

Xisbiga Jahmhuuriga ayaa u baahan hal kursi oo keliya, si ay u sii heystaan Aqlabiyadda ay ku maamulayaan Aqalka ee Sanet-ka Maraykanka.

Hadii tirada labada xisbi ee xubnaha Golaha Aqalka Sare ay noqdaan 50 iyo 50, markaas Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Mareykanka Kamala Harris oo Golaha shir gudoomin doonta, ayaa codkeeda ku jabin doonta tirada isle’eg ee labada xisbi, iyadoo 51 ku noqon doonta xisbigeeda Dimoqraadiga

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Trump oo Gobolka Georgia ka bilaabay olole doorasho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this