Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Khadka Zoom-ka kaga qayb-gelaya Somali Partnership Forum

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa duhurnimada berri oo Isniin ah Khadka Online-ka ee Zoomka loo yaqaan, isagoo Garoowe jooga kaga qayb-geli doona Shirka Madaxda Sooomaalida iyo wakiilada Beesha Caalamka ee Somali Partnership Forum ( SPF).

Shirka waxa ka qayb-geli doona Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlad Goboledyada dalka iyo wakiilo ka socda dalalka iyo ururada ku midaysan Beesha Caalamka oo Soomaaliya ka caawiya dhinacyo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo Doorashooyinka.

Ajandaha Shirka berri, ayaa ku saabsan Arrimaha Amniga, Deynt-cafinta iyo Qabsoomidda Doorashada 2020/2021, waxaana si gaar ah looga doodi doona Arrimaha Doorashada, xilli uu muran xooggan ka taaganyahay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, kaas oo ay diiddan yihiin Midowga Murashixiinta ku sugan Muqdisho.

Waxa xudin mudan, in Madaxweyne Deni ka baaqday safar uu maalmaha soo socda ku tegi lahaa Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa xal u helidda muranka xooggan ee hareeyay Guddiga Doorashada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Khadka Zoom-ka kaga qayb-gelaya Somali Partnership Forum appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this