Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo helay Qorshe cusub oo uu ku mijo xaabinayo Joe Biden

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump oo helay Qorshe cusub oo uu ku mijo xaabinayo Joe Biden

trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay barasaabka gobolka Georgia oo ah xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga inuu gacan ka siiyo sidii loo laali lahaa guushii doorashada Joe Biden uu ka soo hooyay gobolkaasi.

Tani waa waddo kale oo u furan Mudane Trump in uu ku laalo guushii doorashada ee Biden, maadaamaa dedaaladii dacwadaha ay u shaqayn waayeen.

Trump oo qoraallo dhawr ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ku boorriyay, Brian Kemp, inuu isugu yeero fadhi gaar ah oo ay yeeshaan golaha sharci-dejinta gobolkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa wali diidan in uu aqbalo in doorashada looga adkaaday, wuxuuna caddeyn la’aan ku andacoonayaa in guusha Biden ay ku timid khiyaano.

 

Waxa uu loollan dhanka sharciga ah geliyay guusha Biden, balse inta badan dacwadihii uu hor geeyay maxkamadaha ayuu ku guul-darreystay.

Gobolka Georgia ayaa ahaa gobol muhiim ah oo aad loogu loolamayay, waana markii ugu horreysay tan iyo 1992 oo musharrax ka tirsan Dimuquraadiga laga soo doorto gobolkaasi.

trump

Gobolkan ayaa waxaa bisha Janaayo ka dhihi doonto doorasho ku celis ah oo lagu tartamayo aqalka sare. Haddii musharraxa xisbiga Dimuquraadiga uu ku guuleysto doorashadaasi, taa waxay ka dhigan tahay in xisbiga Jamhuurigu uu luminayo aqlabiyaddii uu ku lahaa aqalka sare.

Sida uu qoray wargeyska the Washington Post, madaxweyne Trump ayaa ka codsaday barasaabka gobolka Georgia uu dalbado in baaritaan iyo dib u eegis baaxad leh lagu sameeyo saxiixa kaararka codbixinta balse barasaabka ayaa arrintaasi ku gacan seyray maadaama uusan sharci ahaan awood u lahayn arrintaasi.

Dhanka kale, Trump oo ka qeyb galayay isu soo bax siyaasadeed oo uu ugu ololeynayo musharraxa xisbigiisa ku matali doono aqalka sare ayaa sheegay in isagu uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday.

Gerogia

Waxa uu sheegay in inkastoo doorashadaasi looga shubtay, haddana uu isaga ku guuleystay.

Balse sarkaal ka tirsan guddiga doorashooyinka oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa Trump ka codsaday in uu joojiyo doodda ah in doorashada looga shubtay, waayo buu yiri waxay arrintaasi keeneysaa khalalaase iyo rabshado.

Joe Biden ayaa ku guuleystay doorashada isagoo helay 306 cod oo ka mid ah codadka ergada doorashada halka Trump uu helay 232. Ergadaasi ayaa kulmi doonta 14-ka bishan Diseembar si rasmiyan oo shaaciyo cidda guuleysatay.

Biden

Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa hada aqlabiyad ku leh aqalka sare, waxaana haddii uu ku guuleysto doorashada wareegga labaad u fufudaan doonto in uu u babac dhigo maamulka Dimoqraadiga ee madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Haseyeeshee, haddii Dimuqraadiyiintu ay ku guuleystaan labada kursi ee harsan, waxay heli doonaan kala bar aqlabiyadda aqalka sare, waxaana tiro hal dheeri ah u horseedaya madaxweyne ku xigeenka.

Nuxurka Ololaha Trump ka wado gobolka Georgia

77138bcf-3982-450f-9799-f5f8c8c6aa5f_w10

 Madaxweynaha Mareykanka Doland Trump ayaa booqday Sabtidii Shalay gobolka muhiimka ah ee Geoorgia si uu ugu ololeeyo laba Senator oo xisbiga Jamhuuriga ah kuwaas kuraas laba ah kula tartamaya xisbiga Dimoqoraadiga doorashada ku celiska ee bisha January, taas oo go’aamin doonta xisbiga sida aqlabiyadda leh u maamuli doona golaha Aqalka Sare ee Maraykanka billowga muddo xileedka Joe Biden.

 

Trump oo ka tirsan Jahmhuuriga ayaa safarkiisa Georgia kusii wadanaya ololihiisa doorashada ee uu ku hor istaagayo guusha ninka Dimoqraadiga ah ee Biden ee gobolkaasi iyo gobollada kale ee udub dhexaadka ah natiijada doorashada qaranka ee Mareykanka.Xisbiga Jahmhuuriga ayaa u baahan hal kursi si ay usii heystaan aqlabiyadda ay ku maamulayaan Aqalka oedyaasga ee Sanet-ka.

Senator David Perdue oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa u baahan inuu kaga adkaado Jhon Ossoff doorashada 5ta January ee Georgia, halka Senator Kelly Loeffler ay tahay isagan inuu ku adkaado Raphael Warnock.

Hadii tirada labada xisbi ee xubnaha golaha Asqalka Sare ay noqdaan 50 iyo 50 markaas madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Mareykanka Kamala Harris oo golaha shir gudoomin doonta ayaa codkeeda ku jabin doonta tirada isla eg ee labada xisbi, iyadoo 51 ku noqn doonta xisbigeeda Dimoqraadiga.

Dimuqraadiyiintu waxay horey u maamulayeen aqalka hoose – aqalka wakiilada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this